Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Putin iyo madaxii Kooxda Wagner oo kulan yeeshay ka dib gadoodkii fashimay

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa aqalka Kremlin-ka magaalada Moscow kula kulmay madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin 29-kii June, maalmo kadib markii kooxda calooshood u shaqeysatada ah ay isku dayday inay afgambiso hoggaanka militari ee Ruushka

“Madaxweynuhu wuxuu bixiyay qiimeyntiisa ku aadan dhacdooyinka 24-kii June,” ayuu yiri afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov, isaga oo tixraacaya kacdoonkii fashilmay, waxa uuna intaas ku daray in Putin uu sidoo kale “dhageystay aragtida ay bixiyeen taliyayaasha Wagner.

In ka badan laba toddobaad kadib markii uu dhacay afgambigii dhicisoobay, waxa weli jira hubanti la’aan weyn oo ku xeeran masiirka kooxda Wagner iyo heshiiskii soo afjaray kacdoonkii ka dhanka ahaa madaxda sare ee militariga Ruushka.

Sida qorshuhu ahaa, madaxa calooshood u shaqeystada ah iyo qaar ka mid ah dagaalyahannadiisa ayaa la filayey in loo masaafuriyo Belarus.

Ciidamada Wanger ee weli doonaya inay usii dagaalamaan Ruushka, ayaa dhanka kale qandaraas la saxiixan lahaa ciidamada caadiga ah ee Ruushka.

Intii uu socday kulanka qaatay saddexda saac iyo barka ee uu Kremlin-ka kula yeeshay taliyayaasha Wagner, Putin “wuxuu u yaboohay xulashooyin kale oo shaqo, oo ay ku jiraan kaalimo dagaal.”

Dadka wax indha indheeya ayaa gadoodka u arka caqabaddii ugu weyneyd ee soo wajahda Putin tan iyo markii uu xukunka qabtay. Taliyeyaasha Wagner “waxay adkeeyeen inay taageereyaal xooggan u yihiin… madaxa dawladda”, ayuu yiri Peskov.

“Waxay sidoo kale sheegeen inay diyaar u yihiin inay u sii dagaalamaan dhulka hooyo.”

Hoggaamiyaha Belarus, Alexander Lukashenko — oo dhexdhexaadiyey heshiiska lala galay Wagner — ayaa sheegay in Prigozhin iyo ciidankiisaba midna aanu joogin dalkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Eeyaha jooga Gaza oo bilaabay in meydadka cunaan iyo xaalad adag oo ka taagan Isbitaalka …

Cabdi Cade

Dilal aargoosi qabiil oo ka dhacay Muqdisho iyo laamaha amaanka DF oo War ka soo saaray

Caydiid Ali

Halkee ku Dambeeyay Khilaafkii u dhaxeeyay Farmaajo iyo Rooble, Yaasa Guuleestay ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---