Allbanaadir.com
NEWS

Al-Shabaab oo xukun gacan goyn ah ku fulisay rag Xatooyo ka geystay degaan ay dowladdu Maamusho

Xukun gacan goyn ah ayaa maanta galinkii dambe ka dhacay degaanka Kuunyo-barrow ee gobolka Shabeelaha hoose, iyadoo ay u soo daawasho tageen dadweyne badan oo Al-shabaab ay isugu yeertay.

Waxaa xukunka lagu fuliyay labo nin oo lagu eedeeyay iney jabsadeen dukaan ku yaalla degaanka Ambareso oo ku yaalla afaafka hore ee degmada Baraawe, ayna ka qaateen 17 milyan lix boqol iyo 73 kun oo shilinka Soomaaliga ah.

Qaadiga xukunka riday ayaa waxa uu sheegay in maxkamadda Al-shabaab ee Kurtunwaarey uu u soo dacwooday ninka dukaanka laga jabsaday oo lagu magacaabo Cabdalla Bakar Cabdalla, isagoo ku eedeynaya iney xatooyada u geysteen Maxamuud Maxamad Xassan oo 54 sano jir ah iyo Xassan Maxamad Yuusuf oo 45 sano jir ah.

Maxkamadda ayaa u yeertay labadan nin oo kala deganaa degmada Baardheere iyo degaan ka tirsan Jubooyinka, waxayna qirteen sida qaadigu sheegay iney xatooyadaas ku kaceen, waxaana lagu xukumay in mid kasta gacanta midig laga jaro iyo iney milkiilaha u celiyaan lacagtiisii kaasoo galabta lagu fuliyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Walaalo ku dhintay qaraxyadii maanta iyo warbixino kale oo Murugo leh (Sawirro cusub)

Caydiid Ali

Ogow Tirada lacagta kasoo xarootay Diiwaan galinta Musharaxiinta Galmudug 

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Magacaabista Ra’isul Wasaaraha iyo Mashquul ka jira Villa Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---