Wararkii Ugu Dambeeyay Magacaabista Ra’isul Wasaaraha iyo Mashquul ka jira Villa Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga sugayaa in uu soo magacaabo Ra’isul Wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya , waxaana mashquul badan xilligan laga dareemayaa xarunta Villa Soomaaliya.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in suurto gal tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh ku magacaabo Ra’isiul Wasaare Cusub 48-saac ee soo socota, waxaana heer gebo gebo ah maraya kala xulashada xubno badan oo miiska saaran.

Madaxtooyadda waxaa ka jira mashquul aad u badan, waxaana halkaasi saacad walbo ku sugan siyaasiyiin doonaya xilka Ra’isul Wasaaraha iyo sidoo kale kale siyaasiyiin kale oo dadaaliin u badan kuwaa oo wata xubno ay si gaar ah u rabaan in R/Wasaare laga dhigo.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo lataliyaashiisa gaarka ah ayaa hada kala xulanaya dhoor nin oo miiska saaran, waxaana ugu dambeyn Madaxweynaha ku dhawaaqi doonaa midka kusoo baxa wadatashiga uu wado.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa sidoo kale isku dayaya in ay saameyn ku yeeshaan magacaabista Ra’isul Wasaaraha cusub, waxa ayna xubnahan Madaxweynaha u gudbiyeen shaqsiyaad ay wataan ay doonayaan in xulshada kusoo baxo.

Ururka Damul Jadiid ayaa sidoo kale saameyn badan ku leh Ra’isul Wasaaraha cusub ee lasoo magacaabayo , waxaana suurto gal ah in ninka noqonaya Ra’isul Wasaaraha laga soo dhax xulo nin xubin ka ah kooxdaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo doorashadiisa kasoo wareegtay muddo 30-maalin ah ayaa laga sugayaa in uu soo magacaabo Ra’isul Wasaare karti leh oo soo dhisa xukuumad tayo leh oo dalka ka saarta xaalada adag uu ku jiro.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -