Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaalka Boosaaso iyo Ciidamada PSF oo gaadiid dagaal qabsaday

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa saakay ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamado si toos ah uga amar qaata Madaxweynaha Puntland iyo ciidamo katirsan PSF oo taabacsan taliyihii hore ee xilka laga qaaday Genaraal Diyaano.

Dagaalka saakay ka qarxay magaalada Boosaaso gaar ahaan aaga xaafada Ridwaan ayaa la isku adeegsaday hub nuucyo kala duwan leh, waxaana dhinacyada dagaalamayay sidoo kale isweedaarsanayeen madaafiic.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ka qarxay magaalada Boosaaso ayaa dhaliyay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada dagaalamay iyo waliba dad shacab ah oo ku sugan magaalada.

Labada dhinac ee dagaalamay ayaa mid walbo kan kale ku eedeeyay in dagaalka dhankooda bilaabeen, waxaana saacadihii lasoo dhaafay magaalada laga dareemayay kahor inta uusan dagaalka bilaaban dhaq dhaqaaq ciidan oo aad u xooganaa.

Xarunta PSF ku leedahay magaalada Boosaaso ayaa lagu soo bandhigay labo gaari oo nuuca dagaalka ah oo mid kamid ah uu ku xirnaa qorayga afr dhuumoodka ee loo yaqaan Shilkaha kaas ay sheegeen saraakiisha PSF in dagaalka ku qabsadeen.

Dagaalka saakay ka qarxay magaalada Boosaaso ayaa laga cabsi qabaa in uu kusii faafo magaalada , waxaana guul dareestay dadaalo ay wadeen Isimada Puntland oo xal loogu raadinayay xiisada u dhaxeysa Madaxtooyada Puntland iyo hogaanka PSF .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari Dowlada Mareykanka u soo jiiday ceeb iyo fadeexad oo xabsiga la dhigay

Caydiid Ali

Weerar dhinaca Cirka ah oo maanta ka dhacay Deegaan katirsan gobolka Bari

Cabdi Cade

Jahwareer ka taagan Kismaayo & doorashadii Jubbaland oo Weji cusub yeelatay

admin
Taboola Ads ---