Madaxweyne Deni oo Magacaabay Taliyaha iyo Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 48 ee 31-da Agoosto 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Guud iyo Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Deni  ayuu ugu magacaabay S/Gaas Abshir Cabdi Jaamac (London) in uu noqdo Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta halka S/Guuto Xuseen Faarax Aadan loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta.

Wareegatada uu soo saaray Madaxweyne Deni ayaa u qornaa sida tan:

Madaxweynaha Dowladda Caaliyo Boqorada Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Gaas Abshir Cabdi Jaamac (London) loo magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -