Ciidamada NISA oo qabtay Xarun weyn oo lagu farsameyn jiray Khamriga Caraqa (Daawo Sawirro)

Ciidamada amniga Soomaaliya oo howlgalo ka wada degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir ayaa waxay qabteen goob lagu karin jiray khamriga macmalka ah iyo Saddex ka mid ah dadkii karinayay iyo kuwii ka ganacsanayay.

Gudoomiyaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Xaaji Nuur ayaa sheegay in Waaxda Nageyle ee degmada Kaaraan laga sameeyay howlgalka lagana helay Xaruntii ugu weyneyd ee lagu karin jiray khamriga macmalka ah Calaqa loo yaqaano.

“Goobta waxaan ka soo saarnay Digsiyo iyo caagag waaweyn oo Calaqa lagu sameynayay iyo dhammaan agabkii ay isticmaalayeen ragga ku howlanaa sameynta Calaqa” ayuu yiri gudoomiyaha.

Hawlgaladan ayuu sheegay gudoomiyuhu inay sii wadi doonaan illaa iyo inta laga ciribtirayo Burcad uu sheegay inay dhibaato ku hayaan Shacabka ku nool degmada Kaaraan.

Waxaa howlgalkan uu ku soo beegmay xili shalay banaanbax cabasho ah ay dhigeen Shacabka degmada Kaaraan, kuwaasoo ka cabanayey maleeshiyooyin dhibaato ka wada Suuqa degmadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -