Dal Carbeed oo Viiso u diiday Ciyaartoy u dhalatay Israa’iil

Ciyaartoyda u dhalay Israa’iil ayaa loo diiday dal ku galka ama Viisaha Boqortooyada Sacuudiga ay doonayeen in ay kaga qeyb galaan tartanka Caalamiga ee jarta miiska oo ka furmay Sacuudiga.

Todobo ciyaartoy oo u dhalatay Israa’iil oo doonaysay in ay ka qeyb galaan tartankan ayaa loo diiday Viisaha, waxaana tilaabadaasi si weyn uga carooday Xiriirka Ciyaaraha Jarta Miiska ee Israa’iil.

Xiriirka Ciyaaraha Jarta ee Israa’iil ayaa sheegay in magdhaw ka dalbanayaan Boqortooyada Sacuudiga kadib markii loo diiday in dalkaasi galaan Ciyaartowdii tartankaasi ku matali lahaa.

Fatimah Baeshen, oo u hadashay Sacuudiga ayaa sheegtay in Sacuudiga iyo Israa’il uusan ka dhaxeyn Xiriir Diblumaasiyeed sidaa owgeedna aan ciyaartoydooda la siin karin dal ku galka Sacuudiga.

Ciyaartoy sidoo kale tartankan ku matalayay dalalka Qadar iyo Iiraan ayaa loo ogolaaday in ay tartanka Jarta miiska ee maanta ka bilowday Sacuudiga ka qeyb galaan, balse waxaana ciyaartoydan lagu sameeyay dib u dhac,

Tarankan caalamiga ah ee Jarta Miiska ee maanta ka furmay Saciidiga ayaa abaal marinta waxaa bixinaya Boqor Salmaan iyo guddiga qabto tartanka jar-miiseedka, , waxaana raga la siinayaa kii guuleesta  $750,000 oo dollar, halka dumarkana la siinao $250,000 oo abaalmarin ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -