Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Banaadir oo magacaabay guddi 13 xubnood ka kooban

Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa magacaabay guddi ka shaqeynaya munaasabada uu xilka ugu wareejinayo Guddoomiyaha cusub ee bedelaya.

Guddigan oo ka kooban 13 xubnood ayaa waxaa ku jira qaar ka mid ah gudoomiye ku-xigeenadii xilka laga qaaday iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka qaarkood.

Taabit iyo inta badan ku-xigeenadiisii ayaa mar kaliya la filayaa iney xilka ku wareejiyaan masuuliyiinta cusub ee bedelaya todobaadka soo socda.

Madaxda dowlada ayaa si kmg ah u xiray accountkii Maamulka gobolka Banaadir ku lahaa Bankiga dhexe tan iyo inta maamulka cusub ee gobolka Banaadir ay xilalka la wareegayaan

Madaxweynaha Somalia ayaa maalmo ka hor gudoomiyaha gobolka Banaadir u magacaabay Ing. C/raxmaan Yariisow oo ahaa wasiirka warfaafinta xukuumada, iyadoo sidoo kale la magacaabay dhowr ku-xigeeno cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -