Ciidamaa Jubbaland oo sameeyay Dhoolo tus ay awoodooda kusoo bandhigeen (Daawo Sawirada)

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo waxa ay kusoo badhigeen dhuulo tus ciidan ay ku muujiyaneen awoodooda ciidan ay leeyihiin iyo nuucyada kala duwan hubka ay heestaan.

Madaxweynaha oo ay wehlinayaan Taliyayaasha Ciidamada ugu Sareeya ayaa daawaday dhoolo tuska ay sameenayeen ciidamada Jubbaland ee loogu tala galay in ay ka qeyb qaataan howlgalada dhawaan bilaabanaya.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa iyaga oo wata gaadiidka dagaalka nuucyadiisa kala duwan soo maray wadooyin kuyaala magaalada Kismaayo, waxa ayna ciidamada muujinayeen in ay diyaar u yihiin howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadan qayb kamid ah oo ka tirsan Ciidamada Booliska ay sugi doonan Amniga Caasimada KMG ah inta howlgaladu ay socdaan iyadoo ay si dhaw ula shaqayn doonan laamaha kale ee amniga .

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Howlgalada bilaabanaya ay kali ku yihiin Ciidamada Jubbaland balse ay macquul tahay in qaybaha danbe ay kusoo biiraan AMISOM iyo cid walba oo gacan ka gaysan karta dagaalka Al Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay bulshada Jubbaland in ay gacan weyn ka geestaan howlgalada la doonayo in Al Shabaab looga xureeyo deegaano iyo degmooyin katirsan gobolada Jubooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -