Allbanaadir.com
NEWS

Ganacsade caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa caawa nin ganacsade ahaa ku toogtay Xaafada Suuq Boocle oo ka tirsan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ganacsadan oo iska fadhiya dukaan uu ku lahaa xaafad ku dhow Suuq Boocle ay rasaas ku fureen dabley hubeysan oo weerar ku soo qaaday.

Ragga dilka geystay ayaa sida caadada ah baxsaday, iyadoo ninkii ganacsadaha ahaa uu isla goobtaas ku dhintay.

Haweeney xaaskiisa aheyd oo xilliga la dilayey la joogtay ayaa la sheegay in markii uu falku dhacay ka dib ay goobta ku miyir beeshay.

Lama oga illaa hadda sababta loo dilay ganacsadahan, inkastoo dadka degaanka qaarkood sheegayaan inuu ahaan jiray askari balse uu iska dhaafay, mudooyinkana uu ka shaqeynsanayey dukaanka caawa lagu dhex toogtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Abiy oo maalmo badan kadib fagaare kasoo muuqday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Hoobiyaashii lagu garaacay Dhuusomareeb iyo Galmudug oo…

Cabdi Cade

Shir Maalgaashi oo dalka muhiim u ah oo Muqdisho ka furmay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---