Ciidamada Dowlada oo gacanta ku dhigay xubno katirsan Al Shabaab iyo Hub ay wateen

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay wehliyaan ciidamo katirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howgal qorsheesan ka fuliyay deegaanka Manaas ee dhaca duleedka magaalada Baydhabo.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamnka Xooga Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed howlgal ka fuliyeen lana wareegeen deegaanka Manaas oo horey Al Shabaab u joogeen.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in howlgalkaasi ciidamada kusoo qabteen Shan dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab iyo hubkii ay wateen, waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada soo qabteen mootooyin ay adeegsan jireen dagaalyahanadaasi.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Milatariga in wali gacanta ku hayaan deegaanka Manaas oo qiyaastii 45-km u jira magaalada Baydhabo oo hada xarun u ah Maamulka Koonfur Galbeed.

Warkan kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili Al Shabaab shalay shaaciyeen in ay la wareegeen gacan ku heynta Deegaano kuyaala duleedka magaalada Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -