Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo Daah-furay imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay gobollada dalka.

Imtixaankan oo ay u fariisteen arday tiradoodu gaarayso 35,000 (Soddon iyo Shan kun) oo arday, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka daah-furay Muqdisho, waxana uu Ardayda Imtixaanka gelaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysaba kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda Imtixaanka oo waqti badan la galiyey.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si gaar ah ula dardaarmay ardayda Imtixaanka shahaadiga u fariisanaysa guud ahaanba dalka, waxaa uuna xasuusiyey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono iyo kaalinta ay nolosha ka geli doonaan, waxa uuna ardayda u rajeeyay guul iyo in Eebbe u fududeeyo imtixaanka.

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirar iska soo horjeeda oo ka socda Villa Soomaaliya

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo xilka ka qaaday Duqa Muqdisho mid cusubna magacaabay

Cabdi Cade

Xasan Shikh “Ganacsatada lacagaha baada ah siiya Al Shabaab waa u digaynaa lama siin karo .. !!

admin
Taboola Ads ---