Booliska Muqdisho oo soo qabtay nin baxsad ahaa oo kiis adag loo heysto (Sawirro)

Taliska Qeybta Guud Boliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay nin dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey inuu dil ka geystay gudaha degmadaas.

HOOS KA AKHRISO QORAAL KA SOO BAXAY BOOLISKA

27/07/2023 Abaaro 17:30pm, Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan ciidanka saldhigga Boliiska Degmada Waaberi ayaa baadi goob dheer kadib gacanta kusoo dhigay eedeysanaha sawirkiisa hoos ka muuqdo.

Ninkaan ayaa ku eedeysan sababta dhimashada marxuum Axmed Gadoon Ibraahim  oo deganaa degmada Waaberi kadib markii uu dhagax weyn feeraha uga dhuftay 27/07/2023 abaaro 11:29am.

Boliiska degmada oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa ku guuleystay soo qabashada eedeysanaha, waxaana la horgeyn doonaa Maxkamada Awooda u leh.

Muwaadin haddii aad aragto fal amniga wax u dhimaya warbixin geey saldhigga kuugu dhow ama wac lambarka gaaban ee 991.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -