Kursigii Sheekh Shariif la siiyay iyo kursi kale oo la isku heesto oo doorashadiisa dib loo dhigay

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Hirshabelle ayaa xalay shaaciyay 11 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo la filayo in dhawaan doorashadooda ka dhacdo magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabelle.

Kuraasta ay xalay  shaaciyeen guddiga doorashada Hirshabelle ayaa doorashadooda dhammaan waxa ay ka dhaceysaa magaalada Jowhar, mana jiro ilaa hada wax kursi ah oo yaala Baladweyne oo la shaaciyay doorashadiisa.

Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa dib u dhigay doorashada labo kamid ah kuraasta ugu adag ee taala magaalada Jowhar uuna xiligan ka jiro khilaaf xoogan oo laga cabsi qabo in gacan ka hadal sababo.

Labada kursi ee dib loo dhigay doorashadooda ee taala Jowhar ayaa kala ah Hop141 oo uu ku fadhiyo Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Islow iyo Kursiga tirsigiisu yahay Hop146 uu ku fadhiyo wasiirka cusub ee Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sida aan xogta ku helnay kursiga uu hada ku fadhiyo wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa la sheegay in uu ka tanaasulay lana siiyay kursigaasi Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hadana ah musharax Madaxweyne.

Labadan Kursi ayaa waxaa uu ka dhaxeeya Beesha Suul Harti, laakiin waxaa ku fadhiya labo xildhibaan oo isku jifo hoose ah, halka jufooyinka kale ee beesha arrintaas cabasho ka qabeen, waana arinta sababta looga dhigay in dib loo dhigo doorashada labadan kursi.

Beelaha kuraastan wax ku leh oo horey marar badan warbaahinta uga hadlay ayaa sheegay in sanadkan aysan yeeli doonin in mar kale xaqooda la duudsiiyo, waxa ayna digniino adag u direen madaxweynaha Hirshabelle iyo guddiga doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -