Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo howlgal cusub oo halis ah ka bilaabeysa Gaza

Wasiirka gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in milatariga ay ballaarin doonaan howlgalladooda Qasa, isla markaana ay qabsan doonaan “goobo waaweyn” oo ka tirsan dhulkaas, kuwaasoo uu ku tilmaamay “goobo amni”.

War qoraal ah oo uu soo saaray Arbacadii, Katz wuxuu ku sheegay in hawlgalka la balaariyay looga golleeyahay “burburinta iyo nadiifinta aagga argagixisada iyo kaabayaasha argagixisada”, wuxuuna u baahan doonaa buu yiri daadgureynta dadka Falastiiniyiinta ah.

Tani ayaa timid ka dib markii isbitaallada maxalliga ah ay sheegeen in ugu yaraan 15 falastiiniyiin ah lagu dilay dhulkaas xalay.

Waxaa jira warar dheeraad ah oo kasoo baxaya duqeymo dhanka cirka ah oo ay israa’iil ka geysatay xuduudka Masar, waxaana jirta cabsi ah in weerar cusub oo dhanka dhulka ah ay Israel ku soo qaadeyso Qasa.

Todobaadkan, milatariga Israa’iil ayaa ku baaqday in ugu yaraan 140,000 oo qof ay ka baxaan xaafadahooda oo ku yaala magaalada Rafax, iyagoo soo jeediyay goobo cusub oo ay dadku degaan oo ku yaala waqooyiga Qasa.

Related posts

(Sawirro) Raisul Wasaare xilka haya oo loo Maxkamadeynayo ku lug lahaashaha dilka xaaskiisa

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weerar dhoor Jiho ah ku qaaday Afgooye iyo dagaal culus oo ka dhacay

Cabdi Cade

Dib u kabashada Soomaaliya oo deganaansho u horseedeysa gobalka geeska afrika

admin
Taboola Ads ---