Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Jabhada ONLF oo Jigjiga ka soo saartay go’aan ka farxiyey shacabka taageera

Jabhada xoreynta Ogadenia ee ONLF ayaa maanta ku dhawaaqay inay u xuubsiibatay xisbi siyaasadeed oo ka qeyb geli doono doorashada Dowlad Deegaanka Soomaalida

Xoghayaha arrimaha dibadda ee ONLF Sheekh Cabdiraxmaan Max’ed Sheekh Mahdi (Maadey) ayaa sheegay iney si buuxda doorashooyinka soo socda ee dowlad degaanka Soomaalida uga qeyb geli doonaan iyagoo isbahaysi ah ayna iskaashanayaan xisbiyo ay bahwadaag yihiin.

Shiikh Cabdiraxmaan Max’ed Shiikh Mahdi (Maadey) ayaa xusay in go’aankan uu horseedayo iney ka dhex muuqdaan Siyaasadda dalka Itoobiya.

“ONLF 1991-kii ayay xisbi ka noqotay dalkan oo ay doorashada ka qeyb gashay oo maamulkii ugu horreeyay deegaanka Soomaalida ka dhistay, hadda soo noqoshadeeda waxaan maanta shaaca ka qaadeynaa in si buuxda siyaasaddeedii dib ugu noqon doonto oo si nabadgelyo ah” ayuu yiri Maadey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo cadeeyey cida hortaagan doorashada iyo Al-Shabaab oo fuliyey..

Caydiid Ali

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Somalia oo jawaab kulul siiyey Somaliland

Caydiid Ali

Xaalad Bini’aadanimo oo adag oo ka jirta qeybo kamid ah gobolka Gedo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---