Dilal goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in kooxo biskoolado ku hubeesan goordhaw xaafado katirsan degmada Waabari ka geesteen dilal kala duwan.

Sida aan Wararka ku helnay kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa ruux aan wali la ogeyn waxa uu yahay waxa ay ku dileen xaafada Unicef ee katirsan degmada Waabari, waxaana baxsaday ragii dilkaasi geestay.

Kooxo hubeesan ayaa sidoo kale daqiiqado kahor isla degmada Waabari gaar ahaan meel ku dhaw xarunta degmada Waabari waxa ay ku dileen nin la sheegay in uu katirsanaa ciidanka dowlada.

Askariga ayaa xiliga la dilayay hor fadhiyay goob Farmashiye ah sida goob joogayaal ku warameen, dhalinyaro biskoolado ku hubeesan ayaana goobtaasi ku dilay askariga iyagoona dilka kadib goobta uga baxsadeen si deg deg ah.

Ciidamo katirsan booiiska Soomaaliya ayaa gaaray xaafadaha dilalka ka dhaceen, waxa ayna ciidamada booliiska wadaan baaritaano adag ay ku raadinayaan raga hubeesan ee saakay dilalka ka geestay degmada Waabari.

Dilalkan goordhaw ka dhacay degmada Waabari ayaa imaanaya xili saakay isla degmada Waabari gaar ahaan meel ku dhaw Saldhiga booliiska lagu dilay sargaal katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -