Madaxweyne Gaas oo Garawe keensaday Makiinadaha lacagaha Faalsada Daabaca !!

Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaaday ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu eedeeyay in magaalada Garawe uu keensaday Makiinadaha lacagaha faalsada ah lagu daabaco.

Senator Cabdiraxmaan Faroole oo Warbaahina la hadlay ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Puntland magaalada Garawe keensadeen Makiinadaha lacagaha daabaca ay leeyihiin.

Waxa uu sheegay Madaxweynihii hore ee Puntland in Makiinadahan lacagaha faalsada ah daabaca dhibaato xoogan u horseedeen bulshada ku dhaqan Punland ayna abuureen sicir barar iyo dhibaatooyin kale.

Senator Faroole ayaa sidoo kale sheegay in Cabdiwali Gaas ku fashilmay hogaaminta Puntland, waxa uuna xusay intii uu xilka hayay in uusan wax mushaar ah siin shaqaalaha iyo ciidamada maamulka Puntland .

Hadalka Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa kusoo aadaya xili magaalada Garawe ka socoto ololaha dooarshada Madaxweynaha Puntland, waxaana laga cabsi qabaa in Cabdiweli Gaas ku guul dareesto in mar kale la doorto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -