Xildhibaanada Mudulood oo ka hadlay muranka Siyaasadeed ee ka taagan Maqaamka G/Banaadir

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Beesha Mudullood ee ku jira baarlamanka federaalka Somalia ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee ku soo korortay Gobolka Banaadir ka dib shir jaraaid oo ay ku qabteen Muqdisho.

Qoraal kooban oo Xildhibaanadu soo saareen ayay ugu baaqeen Madaxda dowladda inay ku dedaalaan xoojinta amniga iyo xasiloonida dalka, lagana fogaado wixii dhibaato iyo cawaaqib xumo keeni kara, shacabka Gobolka Banaadirna loo fasaxo iney ka hadli karaan wixii xuquuqdooda ku saabsan.

Xildhibaanadan ayaa taageeray go’aankii ka soo baxay Odayaasha dhaqanka beeshaasi, iyagoo ku baaqay dhinaca kale in la dejiyo xiisada ka dhex aloosan Villa Somalia iyo Maamulka gobolka Banaadir.

Xildhibaanad Mina Xasan Shibis baaqday Maamulka Gobolka Banaadir inuu shaqadiisa sii wato, lana joojiyo xiisadahan siyaasadeed oo ay sheegtay iney yihiin kuwo aan loo baahneyn.

Waxaa sidoo kale ka hadlay kulankan Xildhibaan C/qaadir Carabow oo sheegay in xal ka gaarida maqaamka Muqdisho ay u taalo Labada Gole ee Baarlamaanka, iyagana ay u taagan yihiin, waxaa uu ugu baaqay Maamulka Gobolka Banaadir inuu is dejiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -