Daawo Sawirada; Miisaaniyada Jubbaland ee sanadka 2019-ka oo la ansixiyay (Waa Imisa)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlay furitaanka golaha Wasiirada ayaa ka hadlay arrimaha Amniga iyo dib u xoraynta deegaanada Jubbaland kuwaas oo wali ay haystaan Kooxda Al Shabaab, waxaa Madaxweynahu uu sharaxay diyaar garoowga iyo howlaha isku xirka howlgalka lagu xoraynayo Degmooyinka iyo deegaanada wali aan gacanta ku jirin.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay in hanaanka dib u xoraynta Jubbaland gaar ahaan deeganada Gobolka Jubada Dhexe ay miiska saaran yihiin islamarkana sidoo kale la isku furayo Magaalooyinka xorta ah isku dubaridka howlahana ay yihiin kuwo u baahan Midnimo iyo gacmaha oo la is qabsado.

Dhinaca kale Golahu waxay Ansixiyeen miisaaniyada sanadka 2019ka taas oo dhan 24,233,844.52 Labaatan iyo Afar Milyan labo boqol Sodon iyo Sadex kun sideed boqol afartan iyo afar iyo konton iyo labo santi miisaaniyadan ayaa waxaa ay ka kala imaanaysaa dhamaan ilaha dakhliga kala duwan iyadoo ay golahu si rasmi ah u meel mariyeen dhawaana la horgayn doono Golaha shacabka si ay u Ansixiyaan.

Waxaa kale oo ay golahu meel mariyeen xeerka ilaalinta deegaanka iyo bay’ada kaas oo ay soo diyaarisay Wasaarada deegaanka iyo Dalxiiska Jubbaland lana doonayo in lagaga hortago xaalufka deegaanka iyo ilaalinta hanaanka isticmaalka waxyaabaha dhulka kor saaran sida in la yareeyo qodista buuraha iyo samaynta xirmooyinka dhulka xiliyada ay barwaaqadu jirto.

Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka bada ayaa iyana waxaa ay warbixin ka soo bandhigtay shir ka dhacay Nairobi oo lagaga hadlayay ka faa’iidaysiga khayraadka badaha taas oo muhiim u ah Jubbaland iyo in Wasaarada ay si rasmi ah ula socoto wax walba oo laga samaynayo badaha Jubbaland sida kaluumaysiga iyo ka faa’iidaysiga khayraadka kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -