Garsoorayaal uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo oo Sharci daro lagu tilmaamay (Akhriso)

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya una badan Xildhibaanada Mucaaradka ku ah dowlada ayaa sharci daro ku tilmaamay Garsoorayaal Maxkamada sare uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Qoraal ay soo saareen Xildhibaanadan oo ku bahoobay Badbaado Qaran ayey ku sheegeen in sharci daro aheyd garsoorayaal Maxkamada sare uu magacabaay Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna xuseen in tirada garsoorayaasha oo sida sharciga ah 9 uu hada Madaxweynaha ka dhigay 10-garsoore uu ku jiro Gudoomiyaha Maxkamada sare.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay in Gudoomiyaha Maxkamada sare uusan laheyn awood sharci ah uu ku soo jeedin karo magacaabis Garsoorayaal isaga la darajo ah,maadaama ay sheegeen in gudoomiyaha magacaabistiisa xitaa loo marin wado sifo sharci ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labo mar oo kala duwan magacaabay 4-garsoore iyo 5-garsoore oo katirsan Maxkamada sare ,waxa uu sidoo kale Farmaajo horey u magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare oo isna garsoore ah, waxa ayna isku noqonaaan 10-garsoore halka Dastuurka KMG uu qabo in garsoorayaasha noqdaan 9-garsoore.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Xildhibaanada Badbaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -