Ciidanka amaanka dalka Koonfur Afrika ayaa baaraya toogasho 15 qof lagu dilay oo ka dhacday maqaaxi lagu caweeyo oo ku taalla magaalada Soweto.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in dhowr nin oo hubeysan ay gudaha u galeen maqaaxida ka dibna ay rasaas ku fureen dadkii joogay goobta.
Rasaasta ayaa u muuqatay mid aan kala sooc lahayn waxaana maqaaxida ku sugnaa dhallinyaro isugu jiray rag iyo dumar.
Taliyaha booliska gobolka Gauteng, Elias Mawela, ayaa toogashada ku tilmaamay weerar argagax leh.
Dhawaan ayay aheyd markii meydadka 21 dhalinyaro ahaa laga helay baar ku yaalla magaalada East London ee dalka Koonfur Afrika, waxaana dalkaas ugu badan weerarada la xiriira burcadnimada iyo khamriga.