Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay culimo katirsan Ahlu Sunna iyo Dhalinyaro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” oo kulamo wada tashi ah kula qaadanaya magaalada Dhuusamareeb qeybaha bulshada ayaa ku ammaanay culimada iyo dhallinyarada Gobalka Galguduud dadaalka ay ku bixinayaan nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin qorsheyaasha horumarineed ee dowladda, gaar ahaan arrimaha dib u heshiisiinta, loogana baahanyahay in ay ka soo dhalaalaan kaalintooda maaddaama ay in ka badan 70% ka yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo xalay kulan gaar ah la qaatay culimada ayaa bogaadiyey kaalintooda ku aaddan wacyigelinta bulshada deegaanka, isaga oo ku ammaanay sida ay naf iyo maalba ugu hureen in laga cirib tiro deegaannadan kooxda Al Shabaab.

“Markii laga hadlayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, waxaad tusaale wanaagsan u tihiin gobollada kale ee dalka, waayo idinkoo kaashanaya dhammaan qeybaha bulshada deegaankan waxaad ku guuleysateen in aad cadoowgaas la dagaalantaan oo aad ka dabar gooysaan deegannadan.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinkii saddexaad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa wada dadaallo ku aaddan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland iyo Hirshabelle oo soo magacaabay Guddiga Farsamo ee Hanaanka Doorashooyinka

Cabdi Cade

Madaxweyne Caan ah Afrika oo sheegay in uu Xilka ka degayo uuna noqonayo Wariye

Cabdi Cade

Basaasiinta Ruushka ee Internetka oo beegsaday 42 dal oo xulafo la ah Ukraine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---