Allbanaadir.com
NEWS

Wasaarada Amniga Soomaaliya oo baaq u dirtay Shacabka Muqdisho

Wasaarada Amniga Gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan Wasaarada soona gaarsiiyaan xogaha kooxaha amniga wax u dhimaya

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha C/Casiis Xildhibaan ayaa ugu baaqay Shacabka Muqdisho in Wasaarada kusoo wargaliyaan kooxaha uu sheegay in nabad diidka yihiin ee qaraxyada iyo dilalka ka geesta Muqdisho.

”Waxaan ugu baaqayaa shacabka Muqdisho in ay la shaqeeyaan Wasaarada Amniga iyo Laamaha amaanka, soo sheega kooxaha nabad diidka ee magaalada ka fuliya dilalka iyo qaraxyada si tilaabo looga qaado ” Ayuu yiri C/Casiis Xildhibaan.

Baaqa Wasaarada Amniga usoo jeedisay shacabka magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya xili magaalada kusoo kordheen qaraxyada loo adeegsado miinooyinka dhulka lagu aaso ee lala eegto gaadiidka ay wataan dadka dowlada u shaqeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jake Sullivan iyo Bin Salman oo kulmay xilli xiisad ay u dhaxeyso Mareykanka iyo Sacuudiga

Cabdi Cade

Qoys Barakac ahaa oo guri ay kireysteen ka helay Hanti Boqortooyo !

Cabdi Cade

Saciid Ciise: ” Mucaaradku ha joojiyaan hanjabaada, hana siiyaan fursad ay madaxdu gacmahooda Isfashiliyaan”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---