Ciyaaryahan Afrikan ah oo Deeq waxbarasho siinaya 100- arday oo Danyar ah

Ciyaartoyda ku xamaasha kubada cagta Caalamka ayaa waxaa ku jira kuwa naxariis badan oo wax u tara dadka iyo deegaanka ay kasoo jeedaan, waxaana ciyaartoyda qaar sameeyeen samafal dad badan faa’iideesteen.

Xidiga Caanka ah ee Axmed Musa oo u safra xulka Qaranka Ingiriiska sidoo kale kasoo ciyaaray Horyaalo waa weyn uu ku jiro kan Preimer League ayaa deeq waxbarasho ugu deeqay arday badan.

Axmed Musa ayaa ku dhawaaqay qorshe uu ku doonayo in 100-arday oo ku nool gobolka Kanu ee dalka Nageria uga bixiyo qarashaadka Jaamacada, waxa uuna doonayaa Axmed Muse in ardaydan oo ah kuwa danyar ah ay sii wataan waxbarashadooda Jaamacadeed.

”Waxbarasjada waxaan u arkaa dhabaha horumarka iyo isbedelka, waxaa ii farxad ah in aan ku dhawaaqo qorshahan aan jaamacada uga bixinayo qarashaadka boqolka arday” ayuu yiri Axmed Muse.

Xidigan ayaa horey dalka uu kasoo jeedo ka fuliyay mashaariic badan oo waxtar leh, waxa uu sidoo kale caawinaad u fidiyay dad badan oo danyar ah ay ku jiraan maxaabiis xabsiyo ugu xirnaa lacago lagu lahaa kadib markii uu ka bixiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -