Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo Milateri ah oo la dhigay wadada xiriirisa degmooyinka Balcad & Jowhar

Taliyaha qeybta 27aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamuud Maxamed Koronto ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ay ciidamada ka fuliyeen inta u dhexeyso Jowhar iyo Balcad.

Wadadan oo aheyd mid amaan ah sanadihii la soo dhaafay ayaa maalmihii la soo dhaafay weeraro xooggan ka geystay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Jeneraal Maxamuud Maxamed Koronto ayaa sheegay in maalmahan ay jireen carqaladeyn ay sameynayeen kooxda Al-Shabaab oo gaadiidka isticmaala Jowhar iyo Balcad ay jidka u galayey, balse howlgallo ay ciidamada halkaasi ka fuliyeen ayuu xusay iney qasaaro xoog leh ku gaarsiiyeen Al-Shabaab,  isla markaana ciidan xoog leh la dhigay waddadasi.

Waxaa uu beeniyay warar agu baahiyay baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha qaarkood oo sheegayey in Al-Shabaab ay qabsadeen tuulooyin hoostaga Jowhar, waxaana uu intaa  ku daray in ciidamada ay markasta diyaar u yihiin inay shacabka ka dulqaadaan cadowga ku soo dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah sida uu warka u dhigay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War shalay ka soo baxay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo la beeniyey

Caydiid Ali

Al Shabaab oo shaacisay in qarax ku dileen Injineer u dhashay dalka Shiinaha

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---