Al Shabaab oo shaacisay in qarax ku dileen Injineer u dhashay dalka Shiinaha

Qaraxyo nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu weeraray ciidamo katirsan dowladda Kenya oo ilaalo u ahaa Injineer u dhashay dalka Shiinaha oo shaqo ka waday deegaano hoostaga magaalada Lamu ee dalka Kenya.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qaraxyada miino ay ka dhaceen inta u dhaxeeysa deegaannada Ijaara iyo Sangaa’ilow ee Magaalada laamu, waxaana qaraxyadan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxyada miino iyagu ka dambeeyeen, waxa ayna cadeeyeen in mid kamid ah qaraxyadaasi uu haleelay gaari uu la socday Injineer u dhashay dalka Shiinaha halkaasna ku geeriyooday.

Dowladda Kenya ayaan wax war ah kasoo saarin qaraxyadan ka dhacay deegaanada hoostaga magaalada Lamu iyo sheegashada Al Shabaab ee ku aadan in qaraxa ku dileen Injineer u dhashay dalka Shiinaha.

Warar soo baxaya ayaana sheegaya in qaraxyada in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray askar katirsan ciidamada Kenya, waxaana goobaha ay qaraxyadan ka dhaceen howlgalo ka sameeyay ciidamada ammaanka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -