Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada “Farmaajo oo safar dhulka ah ku gaaray Cadaado si heer sare ahna loo soo dhaweeyay

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa manta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug kadib markii safar dhulka ah oo ku soo maray magaalooyinka Bandiiradleey Sadex Higlo Galinsoor.

Dadweyne aad u fara badan oo watay astaanta Calanka Soomaaliya iyo Sawirada Madaxweynaha ayaa si heer sare ah magaalada Cadaado ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga la socda ayaa loo gelbiyay xarunta Madaxtooyada Cadaado, waxaana la filayaa in halkaasi kula kulmo Madaxda maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Cadaado.

Amaanka magaalada Cadaado ayaana si weyn loo adkeeyay, waxaana amaanka Madaxweynaha si gaar ah u sugaya ciidamo katirsan ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha iyo Ciidamo katirsan AMISOM oo Cadaado horey u joogay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diiwaangelinta Musharixiinta Aqalka sare ee Hirshabelle oo Jowhar ka socota (Sawirro)

Caydiid Ali

Kooxda Liverpool oo Sawir fariin xumbaarsan uga dhiidhisay dilkii George Floyd

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Kulan Xasaasi ah la qaatay Saraakiil Mareykan ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---