Diiwaangelinta Musharixiinta Aqalka sare ee Hirshabelle oo Jowhar ka socota (Sawirro)

Diiwaangelinta musharixiinta xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Maamulka Hirshabelle ayaa ka bilaabatay maanta magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabelle.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Hirshabelle ayaa diwaangeliyay musharaxiin uu ka mid yahay Senator Cusmaan Maxamuud Dufle oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay mid ka mid ah kuraasta Aqalka Sare.

Prof. Dufle oo taageerayaal badan heysta  ayaa loolan adag kala kulmaya danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah Safiirka  Soomaaliya u fadhiya Kenya kaasoo wararku sheegayaan iney gadaal ka riixeyso Villa Somalia inkastoo uusan heysan taageerada beeshiisa.

Kursiga ugu adag doorashada aqalka sare ee Hirshabelle waa midka uu ku fadhiyo Muuse Suudi Yalaxow oo mar kale xilkaas u tartamaya, waxaana ku dhegan siyaasiyiin ay isku beel yihiin oo kala ah, C/llaahi Shiikh Xasan oo ay wataan Farmaajo iyo Guddoomiye Cumar Filish, Axmed Daaci oo musharax madax banaan iyo Muxyadiin Xassan Afrax oo ka tirsan taageerayaasha Farmaajo.

Musharaxiinta maanta qaatay shahaadada musharaxnimo waxaa ka mid ah Xasan Iidow Muxumed (Kobac),Prof/Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle, Axmed Maxamed Cali (Afcadeey), Muuse Suudi Yalaxow, Axmed Xassan Caddow, Dr.  Xassan Cadaay Cali (Axmed Daaci) iyo. Danjire Maxamed Axmed Nuur (Tarzan)

Cali Guudlaawe oo shalay ku dhawaaqay liiska musharaxiinta Aqalka sare ee Hirshabelle ayaa la sheegayaa inuu tartanka ka dhigay mid furan oo aysan cid loo xirayo kuraas gaar ah.

Xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Gobooleed ee Hir-Shabeelle ayaa waxay sheegeen in diiwaangelinta la soo geba gabeyn doono Maalinta Sabtida ah, iyadoo doorashada bilaaban doonto Maalinta Isniinta ah ee soo socota.

HOOS KA DAAWO MUSHARAXIINTA MAANTA LA DIIWAANGELIYEY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -