Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dil saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa saakay xaafada Haanta Dheer ee katirsan degmada Dayniile waxa ay ku dileen nin katiranaa Wasaarada Diinta iyo Owqaafta Xukuumada Soomaaliya sidoo kale ahaa Macalin Jaamacad.

Sida aan wararka ku heleyno kooxaha hubeesan ayaa meel aan ka fogeyn gurigiisa waxa ku dileen  Maxamed Cabdi (Oongooye), oo macalin ka ahaa Jaamacada Daaha ee kutaala Muqdisho sidoo kale katirsanaa Shaqaalaha Wasaarada Owqaafta iyo Arimaha Diinta.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in macalinkan dhoor xabadood jirka sare looga dhuftay, waxaana halka uu dilku ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday kooxihii hubeesnaa ee fuliyay dilkaasi qorsheesnaa.

Ciidamo katiran booliika Soomaaliya ayaa daqiiqado kadib gaaray halka uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada booliiska sameeyeen baaritaano aan wali la shaacin natiijada kasoo baxday.

Dilalka qorsheesan iyo qaraxyada ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo kordhayay magaalada Muqdisho, waxa ayna arimahan imaanayaan xili magaalada ka howlgalaan ciidamo cusub oo booliis ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

(Akhriso) Qeyb ka tirsan Xaafada Daaru-salaam oo loo magacaabay Waax hoos tagta degmada..

Caydiid Ali

Haweenay shabakada YouTube ilmo isaga dhalisay kaligeed !!!(Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---