Qaar ka mid ah xubnaha Mucaaradka oo ku biiray soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo ee Galmudug (Daawo Sawirro)

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxaa gaaray wefdi ka socda Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale kuwaas oo si weyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha Soomaaliya, waxaana qeyb ka ah Senator Jawaahir Axmed Cilmi, Xildhibaan Cabdi Casiis,  Xildhibaan Cabdi Xakiin Macalin iyo Xildhibaan Axmed Macalin fiqi oo isagu ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu waaweyn ee mucaaradka ku ah dowlada dhexe.

Sidoo kale wefdiga ayaa waxa ka mid ah dadka soo jeeda deegaanada Galmudug isla markaana caanka ah sida Generaal Xaashi Cali Baraale, General Galaal, General Subxaanyo iyo Maxamuud Afgooye.

Waxaa wefdiga haatan la geeyay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada dhuusamareeb oo ay ku shaqeeyaan Masuuliyiinta Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca.

Dhuusamareeb ayaa waxaa haatan laga dareemayaa diyaar garoow ku aadan sidii loo soo dhaweyn lahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo in Maalinta Berito ah uu gaaro si uu uga qeybgalo Munaasabad lagu dhameystirayo heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna.

Siyaasiyiinta ugu waaweyn mucaaradka qaarkood ayaa si weyn uga dhex muuqda wufuuda gobolada dhexe u aaday soo dhoweynta wafdiga Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiye ku-xigeenka aqalka sare Abshir Bukhaari oo isagu si weyn loogu xaman jiray inuu ka mid yahay mucaaradka dowlada ayaa ka mid ahaa wafdi shalay gaaray magaalada Gaalkacyo oo uu hogaaminayey Cabdi Qeybdiid kana qeyb qaatay soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo oo halkaas gaaray.

Wafdiga maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa isna waxaa ku jira xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo isna ka tirsan mucaaradka dowlada, wararka ayaa sheegaya in xildhibaan Mahad Salaad uu ka maqan yahay dalka halka Cabdiraxmaan C/shakuur iyo xildhibaan C/raxmaan Odowaa la sheegay iney iska diideen ka qeyb qaadashada soo dhoweynta wafdiga Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -