Qaban-qaabo lagu soo dhoweynayo Farmaajo & wafdigiisa oo ka socota Koonfurta Gaalkacyo

Madaxweynaha Somalia iyo wafdiga uu horkacayo oo xalay ku hoyday woqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa saaka lagu wadaa iney u soo gudnaan koonfurta magaalada Gaalkacyo oo maamulka Galmudug uu ka arrimiyo.

Qabanqaabo lagu soo dhoweynayo wafdigan ayaa laga dareemayaa koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaana aad loo adkeeyeya amaanka, wadooyinkana waa la xiray.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somalia ayaa xalay woqooyiga magaalada Gaalkacyo kulamo kula qaatay madaxda maamulada Puntland Galmudug iyo qaar ka mid ah waxgaradka halkaas ku dhaqan.

Madaxweynaha ayaa xubnaha uu la klulmay kala hadlay xoojinta nabada magaalada Gaalkacyo iyo iskaashi dhinacyada magaaladaas ku wada sugan ay ka yeeshaan nabada iyo horumarinta gobolka Mudug.

Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa safar ku maraya gobolada dhexe ee Somalia sida Mudug iyo Galgaduud, isagoo horey u soo maray degaano ka tirsan dowlad goboleedka Punttalnd oo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -