Allbanaadir.com
NEWS

Nin Burcad ah oo dadka ku dhici jiray qoray been abuur ah oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirro)

Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigay nin burcad ah oo dadka ku dhici jiray xiliyada habeenkii qoray been abuur ah, waxa uuna ninkan inta badanĀ  dhac ka geesan jiray xaafado katirsan Degmada Kaaraan.

Gudoomiyaha Degmada Kaaraan ayaa sheegay in ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen nin burcad ah oo shacabka dhibaato ku hayay, waxa uuna bogaadiyay ciidamadii ninkaasi gacanta kusoo dhigay.

Waxa uu ugu baaqay Gudoomiyaha shacabka degmadiisa in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka ayna soo war galiyaan cid kasta oo amaanka lidi ku ah dhibaatana u geesaneysa dadka shacabka ah.

Ninkan burcadka ah ayaa inta badan adeegsan jiray qoray been abuur ah oo loo ekeesiyay qorayga AK-47 waxa uuna inta badan dadka ka furan jiray xiliyada habeenkii ah moobeelada ,dahabka iyo alaabaha kale ee fudud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne abaal mariyey Wiil dib u celiyey lacag adag oo uu wadada ka helay

Caydiid Ali

Saciid Ciise: “Somalia waxaa hadda gaarista Midnimada uga muhiimsan Helida Nabadda”

Caydiid Ali

Kheyre oo la kulmay Ganacsato ka cabaneysa Canshuur kordhin (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---