Dowlada Federaalka oon wali ka hadlin doorashadii ka dhacday Baydhabo iyo Shakiga laga …

Doorasho aan hufneyn ayaa shalay ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana doorashadan ku guuleestay Musharax dowlada taageereysay oo horeyba loo sii ogaa in uu ku guuleesan doono.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in doorashada Koonfur Galbeed faragalin toos ah ku sameysay, waxaana doorashadan horey ugu baaqay in dib loo dhigo gudoomiyaha Golaha shacabka iyo Xildhibaano kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Khilaafka hada ka dhax aloosan Madaxwenaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa waxaa qeyb ka ahaa doorashadan iyo faragalinta Madaxtooyada ku heysay doorashada.

Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidii la filayay shalay magaalada Baydhabo ku doortay musharax horey loogu yeeriyay ee dowlada Federaalka taageereysay Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen.

Dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxtooyada ayaan wali ka hadlin doorashada ka dhacday magaalada Baydhabo, walina ma jiro wax hambalyo ah oo Madaxtooyada kasoo baxay.

Madaxtooytada Soomaaliya ayaa sidii horey loooga bartay markii Maamulada lagu doorto Madaxweyne waxa ay si deg deg ah usoo saari jirtay War Saxaafadeed doorashada lagu soo dhaweenayo looguna hambalyeenayo Madaxweynaha cusub.

Lama oga in Madaxtooyada soo saari doonto Hambalbyo waqtigeeda kasoo dib dhacdady iyo in ay sidan uga aamusi doonto, waxa ayna tani muujineysa shakiga la galinayo in doorashadan aysan u dhicin si daah furan oo lagu qanci karo.

Beesha Caalamka ayaan sidoo kale ka qeyb galin doorashada ka dhacday magaalada Baydhabo, sidoo kale wali ma jiro wax war ah oo doorashadan ku aadan oo kasoo baxa Wakiilada Beesha Caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -