Kumaandooska Soomaaliya oo howlgal ku dilay Maxamed Xuseen Abuu Muxsin

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaan Danab ayaa howlgalo qorsheesay maanta ka fuliyay deegaano katirsan gobolka Jubada Hoose oo ay gacanta ku hayeen Al Shabaab.

Sida aan wararka ku heleyno Ciidanka Danab ayaa howlgal ka fuliyay deegaanada Beerxaani, Janaay Cabdale ,Kuuba Kibir iyo Birta Dheer oo dhamaan kuyaala duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Taliyaha Guutada 16aad ciidanka kumaandooska xoogga Dalka ee Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka howlgalo qorsheesan ka fuliyeen deegaano Al Shabaab gacanta ku hayeen.

Waxa uu sheegay taliyaha in howlgalka ciidanka fuliyeen lagu dilay Sargaal Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobolka Jubada hoose uu magaciisa ku sheegay Maxamed Xuseen (Abuu Muxsin), waxa uu sidoo kale tilmaamay in la qabtay sargaal Shabaab u qaabilsanaa dhinaca maaliyadda oo lagu magacaabo Cabdi Dheere.

G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in ay jiraan duqeymo lala beegsaday goobo ay joogeen saraakiil katirsan Al Shabaab, waxa uuna tilmaamay in duqeymahaasi khasaaro uu kasoo gaaray saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Ciidamada Danab ayaa howlgalo qorsheesan oo ka dhan ah Al Shabaab xiliyada qaar ka fuliya qaar kamid ah gobolada dalka , waxa uuna taliyaha ciidankaasi sheegay in ay sii xoojinayaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -