Daawo Sawirada: Qorshaha isku dhafka Ciidamada Qalabka sida oo laga wada hadlay

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daah furay kulan looga hadlayay qorshaha isku dhafka ciidanka qabaka sida ee Soomaaliya.

Kulankan looga hadlayay qorshaha iku dhafka ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya, Saraakiil ciidan ,Urur goboleedka IGAD iyo AMISOM.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xasan Cali Maxamed ayaa sheegay in muhiim ay tahay inaan la siyaasadeen difaaca Dalka loona baahanyahay in si deg deg ah ay ugu howlgalaan ciidamada iska dhafka sidii ay waqti kooban ugu soo gabagabeyn lahaayeen qorshaha isku dhafka ciidanka.

Qorshaha isku dhafka ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa mudo soo socday, waxaana qorshahan wasaarada Gaashaandhiga ka taageerayay Urur goboleedka IGAD iyo Wasaarada Gaashaandhiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -