Ilhaan Omar oo karbaashtay Trump, xili uu Isbitaal kula jiro COVID-19

Xildhibaanad Ilhaan Omar oo ka tirsan aqalka Congresska Maraykanka ayaa ku eedeysay madaxweyne Trump inuu si firfircoon u faafinayo fayraska Covid 19, isla markaana uu halis ku yahay caafimaadka bulshada xilli Madaxweynaha laga helay Coronavirus, lana dhigay Isbitaal.

Ilhan Omar oo sheegtay in Aabaheed uu u geeriyooday cudurkaan ayaa ku eedeeysay maamulka Madaxweyne Trump inuu masuul ka yahay geerida in ka badan 200,000 oo u dhimatay Covid-19 guud ahaan Maraykanka.

“Markii uu sidaas samaynayay, wuxuu horseeday boqolaal xaaladdood ah oo  kor u kaca kiisaska Covdi19 ah. Madaxweynaha Mareykanka iyo Jamhuuriyiinta Minnesota waxay si firfircoon u faafinayaan fayras dilaa ah. Waxay khatar ku yihiin caafimaadka bulshada isoo dooratay iyo dalkeenna. ”ayay tiri Ilhan Omar.

Trump ayaa xalay isbitaalka ku baryay habeenkii koowaad kaddib markii laga helay xanuunka Covid-19. Ka hor inta aanu kabixin aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo, Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay muuqaal uu ku sheegay iney xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay.

Mar sii horreeysay dhakhtarka gaarka ah ee Madaxweynaha ayaa warbiixin ku sheegay in Donald Trump uu daal iyo xanuun dareemayo blasé aysan xaaladdisu liidan.

Aqalka Cad ayaa sheegay in go’aanka loogu qaadayo Xarunta Caafimaadka Milatariga ee Walter Reed “laga qaatay” taxaddar fara badan “.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -