Dahabshiil oo abaal marino siisay qaar kamid ah Macaamiisheeda (Daawo Sawirada)

Bangiga Dahabshiil ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay munaasabad gabo gabo u aheyd isbuuca daryeelka macaamiisha ee Bangiga Dahabshiil ka hirgaliyay xarumaha ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Munaasabada uu qabtay Bangiga Dahabshiil waxaa kaso qeyb galay madaxda sare ee Bangiga, Ganacsato, marti sharaf iyo qaar kamid ah macaamiisha uu leeyahay Bangiga Caalamiga ee Dahabshiil.

Intii ay socotay munaasabada ayaa Bangiga waxa uu abaal marino gudoonsiiyay afar kamid ah macaamiisheeda , waxaana abaal marintan ay aheyd mid lagu dhiiro galinayay macaamiisha uu Bangigu leeyahay.

Maamulaha guud ee Bangiga Dahabshiil Cumar Sheekh oo munaasabada hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in abaal marino gudoonsiiyay afar shaqsi oo loo gartay macaamiisha ugu fiican ee Bangiga Dahabshiil.

Maamulaha guud ee Shirkada Dahabshiil ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya Xasan Cali Cawad ayaa sheegay in Bangiga Dahabshiil uu dalka kusoo kordhiyay horumaro badan, waxa uuna u mahad celiyay macaamiisha kala duwan ee Shirkada Dahabshiil.

Waxa uu sheegay Cawad in qiimo badan ugu fadhiyaan macaamiishooda iyo shaqaalahooda, waxa uuna xusay in muhiim tahay in la garto qiimaha macaamiisha leedahay ayna mudan yihiin in lasoo dhaweesto lana abaal mariyo.

Bangiga caalamiga ah ee Dahabshiil ayaa kamid ah Bangiyada ugu weyn ee Soomaaliya kuyaala, waxaana Bangigan ku xiran macaamiil badan oo ka hesha adeegyada ugu muhiimsan uu qabto Bangi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -