Waa sidee caawa xaaladda Magaalada Baydhabo ? (Wararkii ugu dambeeyey)

Waxaa yara degan caawa xaalada magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ka dib markii ay hareeyeen rabshado maalintii sadexaad galay oo looga soo horjeeday xariga dowlada federaalku kula kacday Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa musharaxiinta u taagan doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Rabshadaha maanta dhacay oo ka yaraa kuwii dhacay labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa soo fara geliyey ciidamada booliska Somalia iyo kuwa Itoobiya oo rasaas hawada loo riday ku kala ceyriyey dadka banaanbaxyada waday, iyagoo boqolaal kalena xabsiga dhigay.

Sidoo kale, qeyb ka mid ah Baydhabo ayaa waxaa ka jiray rasaas goos goos ah oo ay isweydaarsanayeen maleeshiyo ku heyb ah Roobow iyo ciidamada amaanka, qof dhalinyaro ah ayaana la sheegay inuu ku dhintay.

Shacabka Magaalada Baydhabo gaar ahaan kuwa danyarta ah ayaa qadiyaan ka taagan dibed-baxyada rabshada wata ee saddexda cisho saameeyey ka dib markii ay xirmeen suuqyadii ay ka xoogsan jireen si ay u deberaan nolosha qoysaskooda.

Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan oo isna shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa dowlada ugu baaqay iney sii deyso xariga Mukhtaar Roobow, isagoo dhinaca kale ka codsaday shacabka baydhabo iney joojiyaan rabshadaha, Nabadana ka shaqeeyaan.

Wasiirka amniga Maamulka Koonfur galbeed ayaa digniin u diray dadka banaanbaxyada dhigayey oo uu ku eedeeyey iney bililiqo kujla kaceen goobo ganacsi, ayna boobeen hantidii tiilay, wuxuuna xusay in ciidamada amnigu ay talaabo adag ka qaadayaan.

Booliska magaalada Baydhabo ayaa caawa damiin ku sii daayey inta badan dadkii ay maanta xirxireen, iyadoo qaar kalena ay caawa xabsiga baydhabo ku hoyanayaan. lamana oga sida xaalku beri noqon doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -