Al Shabaab oo War kasoo saartay qaraxii lagu weeraray xarunta Degmada Howl Wadaag

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qarax ismiidaamin ah oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamo katirsan dowlada iyo dad shacab ah.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qarax gaari loo adeegsaday uu waday qof naftii hore ah in lagu weeraray xarunta degmada Howl Wadaag, waxa ayna  sheegeen in qaraxaasi khasaaro lagu gaarsiiyay masuuliyiin maamulka katirsan iyo ciidamo.

Al Shabaab ayaa sheegtay in xarunta degmada Howl Wadaag xiliga qaraxa lagu weerarayay ay ku sugnaayeen xubno katirsan maamulka degmada Howl Wadaag iyo saraakiil laamaha amaanka katirsan.

Qaraxan ismiidaaminta ah ee lagu weeraray xarunta degmada Howl Wadaag inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay ilaa 4-qof oo sadex kamid ah ay ahaayeen ilaalada xarunta iyo qof kale oo shacab ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale ay ku jiraan caruur.

Dada ku dhaawacmay qaraxan ayaa waxaa ku jiray Gudoomiye kuxigeenkii Amniga iyo Siyaada Degmada Howl Wadaag , waxaana dhaawac masuulkan la sheegay in uu yahya mid aan sidaa u darneyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -