Askari Mareykan ah oo lagu dilay gudaha Soomaaliya oo loogu magac darayo xarun lagu ….

Xildhibaano katirsan labada aqal ee dalka Mareykanka ayaa wada qorshe ay ku doonayaan in xarun caafimaad loogu magac daro askari Mareykan ah oo lagu dilay Deegaanka Baar Sanguuni oo kuyaala duleedka magaalada Kismaayo.

Martha McSally, iyo R-Ariz oo ka tirsan Aqalka sare ee Mareykanka iyo Andy Biggs oo isna katirsan aqalka hoose ee Mareykana ayaa saxiixay sharci ay ku doonayaan in magaca looga bedelo xarun caafimaad oo lagu daweeyo halyeeyada ciidamada Mareykanka.

Xildhibaanadan ayaana doonaya in xarunta caafimaad oo kutaala gobolka Arizona loogu magac daro Alexander Conrad oo 8dii June ee sanadkii hore 2018 lagu dilay madaafiic Al Shabaab ku weerareen saldhig kuyaala deegaanka Baar Sanguuni.

Qorshaha Xildhibaanadan ku doonayaan in lagu weyneeyo magaca askarigan lagu dilay gudaha Soomaaliya ayaa waxaa soo dhaweeyay ehelada askariga dhintay, saaxiibadiisa iyo qaar kamid ah dadka deegaanka.

Askarigan lagu dilay gudaha Soomaaliya oo 26-sano jir ahaa ayaa  labo mar oo hore uga soo dagaalamay dalka Agfaanistaan, waxaana ugu dambeyn Soomaaliya loo keenay in uu qeyb ka noqdo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -