Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada dowlad goboleedka Koonfur galbeed oo isku diyaarinaya guluf dagaal (Daawo Sawirro)

Ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay qaybo ka mid ah Gobolada Bay iyo Bakool ee koonfurta Somalia.

Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed oo booqday Ciidamada dhaqdhaqaaqa wadda ayaa ugu baaqay inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale ciidamada u sheegay in laga doonaayo inay furaan Wadooyinka ay Go’doomiyeen Al-Shabaab.

Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa isku diyaarinaya guluf xoogan oo lagu qaadayo dhulka ay Shabaab kaga sugan yihiin Degaanada Koonfur Galbeed, kaasoo ujeedada laga leeyahay tahay sidii looga saari lahaa degaano badan oo ay gacanta ku hayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Cumar Al Bashiir oo xaalad deg deg ah kusoo rogay dalkiisa

Cabdi Cade

Maraykanka oo xabsiga dhigay rag basaasiin ah oo u dhashay Sacuudiga

Caydiid Ali

Ku-simaha Duqa Muqdisho oo furay tababar loo qabtay guddoomiyaasha degmooyinka (Sawiro+Video)!!

admin
Taboola Ads ---