Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha booliska Somalia oo codsi muhiim ah hordhigay Danjire David Concar (Daawo sawirro)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa magaaladda Muqdisho kula kulmay Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire David Concar.

Waxay ka wada hadleen qodobo badan oo ay ka mid aheyd siddii dawladda Britain u kordhin laheyd taageerada iyo tababarka Ciidan ee ay siiso Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, ayaa sheegay in dawladdiisa diyaar u tahay in Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ka caawiso taageerada iyo tababarada Ciidanka, ayna si wanaagsan ula shaqeyn doonaan Booliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa uga mahad celiyey  Boqortooyada Ingiriiska sida mar walbo ay u garab taagan tahay Dawladda Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliska.

Dawladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dalalka Booliska Soomaaliya ka caawiya dhinaca tababarada iyo qalabeynta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Trump oo guul lama filaan ah ka gaaray doorashada isreebreebka Xisbiga Jamhuuriga

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey Khasaaraha qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Gudoomiye Ciro oo ka hadlay arrin lagu arkay doorashadii Puntland & Galmudug

Caydiid Ali
Taboola Ads ---