Al Shabaab oo fagaare ku toogatay Sadex ruux oo gacanta ugu jiray (Akhriso Magacyada)

Xarakada Al Shabaab ayaa shalay galab fagaare kuyaala deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku toogatay sadex ruux oo mid kamid ah lagu eedeeyay in uu kamid ahaa ergadii Xildhibaanada soo dooratay.

Al Shabaab ayaa sadexda ruux ee xukunka dilka ku fulisay ku eedeesay in ay diinta ka baxeen, waxaana labo kamid ah sheegeen in ay ahaayeen askar katirsaneyd milatariga Soomaaliya halka kan sadexaadna ku sheegeen ergay Xildhibaan soo doortay.

Fagaaraha Mubaarak ayaa lagu toogtay Maxamad Tifow Xaydar oo ahaa 59 sano jir Al Shabaab ku eedeeyeen in uu kamid ahaa Ergadii Baarlamaanka kusoo doortay Baydhabo, waxaana ninkan la sheegay in uu wax kasoo doortay Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali.

Mahad Cabdullaahi Abuukar oo ahaa 29 sano jir ah ayaa isna lagu eedeeyay  inuu kamid ahaa Milatariga Dowlada tababarna kusoo qaaday xerada Nacnaca oo ku dhow Xalane muddo sannad ah, wuxuuna kasoo shaqeeyay Muqdisho iyo Ceelasha Biyaha.

Ninka Sadaxaad ee la toogtay ayaa lagu magacaabaa Maxamuud Faarax Aadan oo 28 sano jir ah islamarkaana degganaa Muqdisho. Maxkamadda ayaa sheegtay in lagu eedeeyay inuu kamid ahaa ciidamada dowladda kana shaqeynayay Shalaambood.

Fagaaraha sadexdan ruux lagu tooganayay waxaa ku sugnaa saraakiil katirsan Al Shabaab iyo dadweyne badan oo ka kala yimid xaafadaha deegaanka Mubaarak kuwaa oo usoo daawasho tagay qaabka u dhacayay xukunka dilka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -