Ciidanka amniga oo qabtay bambooyin lagu soo qariyey gaari xamuul ah (Daawo Sawirro)

Ciidamada amaanka Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa qabtay bambooyin lagu soo qariyey gaari xamuul ah oom magaaladaas la soo geliyey.

Gaarigan xamuulka ah oo ka yimid degaano ka tirsan dhulka miyiga ah ee gobolada Bay iyo Bakool ayaa u rarnaa qaar ka mid ah ganacsatada Magaalada Baydhabo.

Saraakiisha Amniga ayaa sheegay iney heleen xog sheegeysa in gaarigan ay saaran yihiin waxyaabo qarxa, ka dib markii baaritaan ku dhaqaaqeen.

“Markii aan baarnay gaariga waxaan helnay saddex bam gacmeed oo lagu soo qariyey jawaano laga soo buuxiyey messego laga keenay degaanada miyiga ah” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan ciidamada amaanka Baydhabo.

Darawalkii gaariga oo la iska sii daayey ayaa sheegay inuusan ka war heynin, laguna soo qayaanay bambooyinka lagu soo qariyey gaarigiisa.

Saraakiisha amaanku waxay intaas ku dareen iney dabagal ku sameynayaan ganacsatada laga soo iibiyey badeecada saaran gaariga iyo kuwa ay u socotay, waxayna xuseen in bambooyinkan loogu talo galay in lagu dhibaateeyo shacabka Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -