Toogasho ka dhacday magaalo kutaala dalka Faransiiska (Daawo Sawirada)

Nin hubeesan oo gaari watay ayaa rasaas xoogan xalay ku furay suuq lagu iibiyo waxyaabaha ciidda masiixiga la xiriira oo ku yaalla magaalada Strasbour oo kutaala bariga dalka Faransiiska.

Inta la xaqiijiyay toogashadan waxaa ku dhintay sadex ruux halka ay ku dhaawacmeen 11-qof oo kale, waxaana dadka dhaawacmay 7-kamid ah la sheegay in ay ku jiraan xaalad halis ah.

Ciidamo katirsan booliiska Faransiiska oo soo gaaray goobta weerarku ka dhacay ayaa is rasaaseyn waxa uu dhax maray ninka hubeesan, waxaana goobtaasi ka baxsaday ninka weerarka geetay oo la tuhmayo in uu dhaawac soo gaaray.

War kooban oo kasoo baxay booliiska Faransiiska ayaa lagu sheegay in weerarka uu geestay nin 29-sano jir ah oo horey ugu jiray liiska dadka ay booliiska u raadinayeen in uu xagjir yahay.

Wasirka Arrimaha Gudaha ee Faransiiska Christophe Castaner oo tagay magaalada weerarka ka dhacay ayaa si kulul u cambaareeyay toogashada, waxa uuna dadka deegaanka ugu baaqay in guryahooda joogaan inta xaalada laga dajinayo.

Weerarkan ka dhacay dalka Farnsiiska ayaa kusoo aadaya xili dalkaasi maalmihii lasoo dhaafay ka socdeen banaan baxyo xoogan, waxaana weerarkan qeyb ka noqonayaa weeraro badan oo horey dalkaasi uga dhacay oo ay qaarkood fuliyeen Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -