Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha dagaalkii saaka ka dhacay Goof-gaduud

Ciidamada dowlada ayaa dib ula wareegay degaanka Goof-guduud ee duleedka magaalada Baydhabo ka dib markii ay saaka qabsadeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo weerar culus ku soo qaaday.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga dalka ay weerar culus oo rogaal celis ah ku qaadeen degaanka GoofGaduud, iyagoo ugu dambeyna ka saaray Al-shabaab.

Qoraal oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxay ku sheegteen in dagaalkii Goofguduud ay ku dileen 11 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda kuwaasoo uu ku jiro sarkaal magaciisa la yiraahdo Macalin Dhaayow oo ahaa taliye ku-xigeenkii saldhigga Goofguduud.

Balse, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa beeniyey warkaas, iyagoo sheegay in laga warqabay weerarka Al-Shabaab, isla markaana waxyeelada soo gaartay ciidankooda ay aad u yar tahay, iyagoo xusay in khasaare culus ay gaarsiiyeen kooxihii weerarka soo qaaday.

Warar ka madax banana labada dhinac ayaa sheegaya in ku dhowaad 10 ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah lagu dilay weerarkan, halka qaar kale oo badana ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -