Dhalinyaro careesan oo maanta Banaan bax ka dhigay Taalada Daljirka Dahsoon

Qaar kamid ah dhalinayarada ku shaqeesata mooto bajaajta ayaa maanta banaan bax ka dhigay taalada Daljirka Dahsoon iyo agagaarkeeda, waxa ayna dhalinyaradan ka cabanayeen wadooyinka xiran ee Muqdisho iyo kuwa biyaha jareen.

Dhalinyaradan banaan baxa dhigeesay ayaa mootooyinkooda ku xiray Isgooska Shabelle, waxa ayna diideen in baabuurta ciidamada, kuwa masuuliyiinta iyo kuwa shacabkaba ay maraan laamiga u xirnaa.

Waxa ay sheegeen banaan baxayaasha in ay halis ugu jiraan in mootooyinka iska dhigaan ayna noqdaan shaqo la’aan, waxa ayna xuseen in wadooyinka magaalada qaarkood ay xireen biyaha roobka halka kuwa kalana ay ciidamada u xiran yihiin.

Gudoomiyaha gobolkka Banaadir ayey ugu baaqeen in uu wax ka qabto wadooyinka  xiran gaar ahaan kuwa biyaha fadhiyaan , waxa ayna cadeeyeen dhalinyarada bajaajleyda in banaan baxyada sii wadayaan inta cabashadooda wax laga qabanayo.

Banaan baxa ay dhigeen dhalinyarada bajaajta ku shaqeesata ayaa imaanaya xili ay canshuur bixiyaan bil walbo sidoo kale ay la yihiin wadooyin ay inta badan maraan maadama wadooyinka qaar biyo xireen halka kuwa kalana dowlada xiratay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -