Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Dhageysiga Dacwad u dhaxeysa Madaxweyne Gaas iyo kuxigeenka oo goordhaw bilaabaneysa

Waxaa maanta xarunta Maxkamada sare ee Puntland ee magaalada Garawe ka bilaabaneysa dhageysiga dacwada u dhaxeysa Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas iyo kuxigeenkiisa C/xakiin Camey.

Qoraal kasoo baxay Maxkamada sare ee Puntland ayaa lagu mudeeyay in maanta labada dhinac kasoo qeyb galaan dhageysiga dacwada u dhaxeysa Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa.

Labada masuul ayaa la sheegay in ay isku heestaan iskuna khilaafeen magacaabista guddiga  xalinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada Puntland, waxaana labada masuul midba si gaar ah u magacaabay guddiyo gaar ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya aysan xoog ku raadineyn dhul badeed

Caydiid Ali

Qeybtii ugu dambeysay Ciidamada Maraykanka oo ka baxaya Afghanistan (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo fursad siiyay Shacabka Cadalle

Cabdi Cade
Taboola Ads ---