Guriga Gudoomiyaha golaha shacabka oo laga jaray biyaha iyo Cuntada

Xildhibaano katirsan golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ahaa xildhibaanadii Mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in wali go’doomin uu ku jiro gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal.

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo kamid ah Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in xalay si dhib badan ku galeen guriga uu Madaxtooyada ka degan yahay Gudoomiyaha golaha shacabka.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in go’doomin lagu hayo Gudoomiyaha lagana jaray sida uu tilmaamay gurigiisa biyaha iyo cuntada, waxa uuna xusay in xaalad adag uu xiligan ku jiro Gudoomiyaha .

Xildhibaanka ayaa xusay in kaliya gudoomiyaha golaha shacabka lagu heesto in uu qabtay mooshin ay 92-xildhibaan ka gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna xusay in ay qaadi doonaan talaabooyin go’doominta looga saarayo gudoomiye Mursal.

Mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa abuuray jahwareer siyaasadeed, waxaana Xildhibaanada iyo dadka qaar loo diiday in ay soo galaan xarunta Madaxtooyada gaar ahaan guriga gudoomiyaha golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -